Dowlad goboleedyadda oo Xiriirka u jarey Dowladda Dhexe

Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shirkii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee halkaasi ka socday maalmihii lasoo dhaafay.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan ay joojiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya ka dib markii ay arkeen in dowladda ay ku fashilantay wada shaqeynta maamul goboleedyadda iyo Suggida Amniga.

Waxa ay sheegeen Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda in ay dowladda dhexe xiriirka u jareen.

Wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyadda ayay ku xireen in ay dowladda dhexe ay joojiso faragelinta maamul goboleedyadda,in la helo Heshiis Damaanad leh oo lagu wada shaqeyn karo.

Madaxda maamulada ayaa si weyn u canaantay dowladda Dhexe ee Soomaaliya, waxaana warka kasoo baxay ka muuqatay Carro xooggan.