Dowlada Britten Oo Ciidamo U Direysa Soomaliya.

(September 28, 2015 Radio Baidoa) Raaisalwasaaraha Brintain David Cameron ayaa sheegey in ay ciidamo gaaraya ilaa iyo 70 askari ay u diri doonaan Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee AMISOM,

Wuxuna David Cameron sheegey in ciidamadan ka saocda dalka Brintain ay gacan siin doonaan ciidamada midowga afrika ku suga Soomaliya, marka loo fiiriyo yareynta argagixisada iyo tahriibka

Sidokale waxaa iyana ciidamo kale oo Ingiriiska ka socda la geyn doonaa Koonfurta Sudaan oo iyana ay caawin doonaan ciidamada Midowga Afrika ee jooga dalkaasi Koonfurta Suudaan.

Tirada guud ee ciidamada Ingiriiska u kala direyso Koonfurta Suudaan iyo Soomaliya ayaa gaaraya ilaa iyo 300 askari.

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com