Dowlada dhexe oo balan qaaday dayactirka wabiyada dalka

Maareeyaha wakaaladda hormarinta dhismaha soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamac Goobe mar uu la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay iskugu yeeri doonaan Injineerada Soomaaliyeed ee dhismaha qaabilsan si ay u dhisaan wabiyada dalka mara, kuwaas oo qeybo kamid ah dalka fatahaado kasameeya xiliyada roobka.

Bashiir Goobe ayaa hoosta ka xariiqay in aysan macquul ahayn in dadka Soomaaliyeed ay sanad walba dhibaato kala kulmaan wabiyada dalka.

Intaa ayuu ku daray hadalkiisa in loo baahanyahay in naqshad cusub loo dhiso wabiyada dalka mara,si loo yareeyo dhibaatooyinka faraha badan ee ka dhasha wabiyada.