Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in Shirkadaha ajaaniibta Talaabo ka Qaadi doonaan

Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliya Ing C/llaahi Cali Xasan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo ka qaadi doonaan shirkadaha ajaanibta ee ka howgala dalka si sharci daro ah

“Tallaabo ayaa laga qaadi doona shirkadaha ajanabiga ah ee sida sharcidarada ugu howlgala dalka”.

Waxaa uu sheegay wasiirka in ay la xisaabtami doonaan hay’adahaasi.

Lama oga sida uu u dhaqan geli doono go’aankaasi ka soo baxay dhinaca Dowladda.