Dowlada oo shaacisay magacyada Saraakiishii lagu dilay Duqeyntii ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka ee ka dhacay Saakow

Hey.adda naabd sugidda iyo sirdoonka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku shegtay in la khaarijiye amiirkii sirdoonka shabaab.

Warsaxafadeed

Howgal ay xalay iska kaashadeen Hayadda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Somaliyeed iyo dhigooda Mareykanka, ayaa waxaa lagu qarajiyen meel25-KM u jirta Saakow, Amiirkii Amniyaadka iyo Sirdoonka maleeshiyada Al-shabaab oo lagu magacabi jiray Cabdishakuur – islamarkaana kooxda Shabaab ay u yaqaaneen Tahliil , kaa soo dhawaan ay ku badaleen Sakariya oo hada gacanta NISA kujira.

Sidoo kale Horjoogahaas weerarka duqeynta cirka lagu dilay ayaa waxaa sidoo kale la geeriyooday 2 qof oo ka tirsanaa kooxda Shabaab oo kala ahaa horjoogayaal iyo Maleeshiyo, kuwaasoo aan magacyadooda aan dib u soo bandhigi doono.

Dhanka kale waxaa soo baxayay warar sheegaya in Horjoogihii kooxda Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka ee lagu macagaabo Sakariye u gacan galay dowlad kale, taasoo ah warar been abuura, waxaana Sakariye uu ku jira gacanta NISA, Hayadda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.

Xiliyada soo socda ayeey dowladda Soomaaliya kasoo saari doonta warbixino dheeraad ah.

MAHADSANIDIIN