Dowlada Oo Sheegtay Inay Dhamaatay In Badda Dowladdo Shisheeye Ku Gor-Gortamaan

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalinta Xeebaha dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Dirir ayaa Maanta ka hadlay arrimo la xiriira Ciidanka Badda dowladda iyo tababar kala duwan oo u socda Ciidankaas.

Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Badda dib u dhis lagu sameeyay, isla markaana ay dhammaatay in dowladdo shisheeye ay ku murmaan Badda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda dhawaan loo soo gaba-gabeeyay tababaro sare, halka kuwo kalena ay weli ku maqan yihiin tababaro, ayna ciidamada dowladda ay diyaar u yihiin inay difaacan badda oo ay ku filan yihiin.

Sidoo kale Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa tilmaamay in mar dambe aysan dhici doonin in dowladdo shisheeye si sharci darro ah kalluumeysi uga sameeyaan xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena aan lagu gor-gortami doonin.

Ugu dambeyn Taliye Cabdixamiid ayaa carabka ku dhuftay in Ciidanka badda ee tababarka soo qaatay la geeyn doono fariisimo ay Ciidanka ku leeyihiin xeebaha Soomaaliya, si ay uga ilaaliyaan wax kasta oo sharci darro amar xad-gudub ah.