Dowlada Ruushka oo xabsiga u taxaabtey hoggaamiye Mucaarad ah

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga dhigtay hoggaamiye Mucaarad ah oo lagu eedeeyay in uu abaabulaayay kicin dadweyne.

Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa lagu xiray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Afhayeen uhadlay hogaamiyaha mucaaradka ruushka ayaa sheegay in aanay caddayn sababta hadda loo xiray, isaga oo intaas ku daray in lagu hayo saldhig uu leeyahay booliska.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya laba bilood ka dib markii xabsi laga sii daayay, waqtigaasi oo lagu eedeeyay inuu abaabulayay bannaabxayo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Putin.

Navalny ayaa sabtidii shalay baraha bulshada ku qoray in mudaaharaadka looga soo horjeedo Putin la qaban doono sagaalka bishan September.