Dowlada Turkiga Oo taageertay Heshiiska laga gaaray Doorashooyinka Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiska siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka gaareen qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa bogaadisay dedaalka aan kala yareyn ee oo ay ku bixiyeen madaxda Soomaalida sidii uu u mira-dhali lahaa wadahadalka Doorashooyinka Soomaaliya u horseeday in muddo 60-cishe lagu qabto Doorashooyinka.

Turkiga ayaa garab istaagay u muujiyay mira-dhalka heshiiska kasoo baxay Shirka wadatashiga qaran ee Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada Soomaaliya looga dooday laguna jaangooyay.
Press Release Regarding the Agreement Reached on Somalia Election Process https://t.co/TYijsXsoG2 pic.twitter.com/fLOFN7BcRn

— Turkish MFA (@MFATurkey) May 28, 2021