Dowlada UK Oo Safiir Cusub Usoo Magacawday Soomaaliya

Dowladda UK ayaa Safiir cusub usoo Magacowday Soomaaliya, waxaana safiirka la soo magagacaabay uu baddeli doonaa Safiirkii hore ee UK u fadhiyay Soomaaliya Ben Fender.

Xafiiska arrimaha dibadda boqortooyada UK ayaa Kate Foster waxaa uu usoo magacaabay in ay noqoto safiirka UK ee dalka soomaaliya.

Kate Foster ayaa xilka si rasmi ah ula wareegi doonta bisha Febraayo 2021, waxaa Kate oo heyasata abaalmarinta sare UK ee OBE waxay mudo ka soo shaqeyneysay qeybo kala duwan ee waaxda horumarinta caalamiga ah.

Ben Fender safiirka UK ee Soomaaliya ayaa ilaa 30 Janaayo 2019 waxaa uu ahaa ahaa safiirka UK ee soomaaliya