Dowladda oo amar siisay Hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda

Magaalada Muqdisho maanta waxa lagu qabtay shir wadatashi ah, islamarkaana lagula xisaabtamayay Hay’adaha mashaariicda ka fuliya dalka ee fadhigooda uu yahay dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda iskutagga aan dowliga aheyn.

Dowladda Federaalka ayaa Hay’adan ku wargelisay inay xarumahooda ka dhigtaan gudaha Soomaaliya, ayna shaqaaleysiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii Hay’adaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya.

“Sababta aan ula shirnay waxa ay aheyd inaan u sheegno in dowladda Soomaaliya ay rabto Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha mashaariicda inay Soomaaliya joogaan, qortaana shaqaale Soomaliyeed, Canshuur bixiyaan, xarumahoodana uu wadanka ahaado, waqtigii Nairobi la joogi jiray Soomaaliya shaqo maalin ama laba maalin loo imaan jiray way dhamaatay”. Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Qosheynta ayaa sheegay in Hay’adahan ay siiyeen inay ku soo guuraan sanadkan inta ka harsan, Hay’addii aan amarkaas fulina lagala noqon doono ruqsada ay ku shaqeeyaan.

Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waxa ay waday dadaalo ku aadan sidii la xisaabtan dhab ah ay u waijihi lahaayeen Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha mashaariicda.