Dowladda Oo Diyaarad Gargaar Ah Gaarsiisay Magaalada Jowhar

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle la gaarsiiyay deeq gar gaar ah oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya taasi oo loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ku dhaqan degmada Mahadaay ee saameynta ba’an ay ku yeelatay Fatahaada Wabiga Shabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mahadceliyay deeqdani, waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku amaanay dadaalka ay ku bixineyso u gurmashada dadka ay saameysay fatahaada wabiga.