Dowladda oo faah faahisay nin xalay lagu dilay Wanlaweyn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Howlgal gaar ah oo xalay Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu dilay nin magaciisa dadka degaanka ay ku sheegeen (Macalin jeelle).

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa hadal kooban oo ku qornaa Luuqada Englisha-ka, kuna soo qoray bartiisa xiriirka bulshada Facebooka wuxuu ku sheegay dilka ninkan in ay ka dambeeyay kadib markii uu ka horyimid howlgalkii lagu soo qaban rabay, Ciidamana uu kala hortagay isdifaacid, kadibna Ciidamada oo naftooda difaacaya ay ninka toogteen.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ninkan inuu ahaa Sarkaal xoogaga ururka Shabaab ka tirsanaa oo dhanka maalgelinta u qaabilsanaa, wuxuuna tilmaamay Howlgalkan inuu ahaa mid ku soo dhamaaday guul.

“Howlgal Ciidamada gaarka ah ay ka fuliyeen degmada Wanlaweyn ayaa waxaa lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray (Macalin Jeelle), dilkiisa wuxuu ka dambeeyay, iyada oo la doonayay in marka hore la soo qabto ayuu ciidamada u muujiyay cadowtinimo, kadibna Ciidamada oo is difaacaya, gudanayana waajibaadkooda ayaa toogtay ninkaasi.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Nabadoon Maxamed Cumar oo ay Ehel ahaayeen Marxuumka dhintay ayaa goor sii horeysay Risaala u sheegay inuu banaanka u soo baxay marka uu rasaasta maqlay balse Ciidankii hubeysnaa ay ku amreen inuu gurigiisa ku laabto hadii kale dhibaato loo geysan doono.