Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha

Bayaan ka soo baxay wasaarada Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dadaalka ay dowladu galisay joojinta Jarida iyo dhoofinta dhuxusha.

Bayaankaan oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa u qornaa sidaan:-

War saxaafadeedkan waxa uu ku saabsanyahay arrimo ahmiyad wayn u leh shacabka soomaaliyeed iyo horumarinta bi’adda oo aay wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la wadaagayso shacabka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato ba’an ku haysay bi’adda intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.

Dhoofinta dhuxushaas waxa ay sababtay in laga jaro dhir aad u badan guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhoofintaas oo uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya.

Cilmi baaris ay wada sameeyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo hayadaha UN ka oo ka caawiya dowladda Soomaaliya mashruuca yaraynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL Programme) waxa lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2011-2017 dalka Soomaaliya laga jaray qiyaastii 8 Milyan oo geed.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in aan waddanka laga dhoofin dhuxul laga soo billaabo bishii Agoosto 2018, xilligaas oo laga joogo muddo ka badan sannad iyo saddex bilood, warbixintaas oo ay hay’adda UN Monitoring Group ku soo bandhigtay bishan Nofember Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku ammaantay in xukuumadda.

Sidoo kale Xukuumaddu waxa ay walaac ka muujinaysaa inay wali jiraan goobo ka mid ah dalka oo ay wali ka socoto xaalufinta dhirta oo lagu diyaarinaaayo dhuxul si dibedda loogu dhoofiyo , haddaba xukuumaddu waxa ay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed inay ku soo wargaliyaan xukuumadda meelaha wali ay ka socdaan diyaarinta dhuxusha iyo xaalufinta dhirta ee dalka Soomaaliyeed .

Xukuumaddu waxay diyaarisay siyaasadda qaran ee dhuxusha, waxayna wasaaraddu ku howlantahay sharciga dhuxusha kaasoo wax wayn ka tari doono yaraynta isticmaalka dhuxusha ee gudaha iyo dhoofinta dhuxusha , sharcigaas oo lagu qeexaayo hab ciqaabeedka dadka ka shaqeeya ama dhoofiya dhuxusha. Sidaas oo kale xukuumaddu waxa ay dhiirrigalinaysay in ay shacbiga barto isticmaalka gaaska dabiiciga ah, si dadku u helaan tamar kale oo ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha. Waxa inoo qorsheysan in aan goor dhaw ka qeybinno gaaska la shito dhammaan caasimadaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan kula dardaarmayaa shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda kuna gacansiiyaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta,taas oo ka mid ah kheyraadkooda dabiiciga ah, Isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u beeridda dhirta oo ay ku howlantahay.