Dowladda Sudan oo ka hadashay Afgembiga Fashilmay ee Dalkaasi

Isku-day Afgembi ayaa waxa uu Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah ka dhacay dalkaasi, sida ay baahiyeen Warbaahinta.

Labo Taangi iyo ciiddamo hubeysan ayaa la sheegay inay u soo jiheysteen Buundada Qadiimiga ee Ondurmaam, una dhow Dhismaha Barlamaanka dalkaasi.

Ciiddankii Afgembiga waday waxaa la sheegay inay Hawada ka saareen “Radio Omdurman”.

Dhinaca kale, Telefishinka Dowladda Sudan ayaa baahiyey inay Dowladda gacanta ku hayso Awooda dalka, isla markaana la fashiliyey Isku-dayga Afgembiga la Fashiliyey.

Xaalladda dalkaasl ayaan caadi ahayn, waxaana la arkayaa ciiddamo iyo Gaadiidka Dagaalka oo la soo dhigay Xarumaha muhiimka iyo Waddooyinka ku hareeraysan Xarumaha Dowladda iyo kuwa Ciiddanka.

Ma kala cadda Kooxda Afgembiga sameeyey iyo halka ay Taageerada ka heleen, hadday noqon lahayd Gudaha Sudan ama dalalka deriska la ah Sudan.