Dowlado horleh oo balan qaaday Gurmadka fatahaadaha

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa kulan laqaatey Madaxda ugu sareysa Bisha-Cas ee Kuwait.

Ujeedka kulankan oo ahaa sidii Dalka Kuwait, gaar ahaan, Bisha-Cas oo caan ku’ah taakuleynta umadda Soomaliyeed xiliyadda adag, ay uga qaybqaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo dadkii wax yeeladu kasoogaarey roobabka iyo fatahaadaha Wabiyadda Shabeele iyo Jubba.

Kulanka ayaa waxaa ay si gaar ah uga hadleen masiibadda ka taagan magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo gurmadyo kala duwan loo sameynayo.

Intii uu kulanka socday ayaa,Iyagoo kajawaabaya codsiga Safaaradda , Bisha-Cas ee Dalka Kuwait waxay balanqaadeen waxtar balaaran oo deg-deg ah.