Duqa Baydhabo oo la kulmey khabiir dhinaca dowladaha hoose ah(SAWIRRO)

khabiir dhinaca dowladaha hoose ayaa booqday Xaruunta Maamulka Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo asagoo kulan dheer laqaatey Gudoomiyha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Cabdullaahi Cali Watiin.

Waxaana ay ka  wada hadleen  sidii loo balaarin lahaa Data Base System-ka cusub oo laga hergeliyey xaruunta dowlada hoose.

Duqa Magaalada baydhabo ayaa dadaal dheer ugu jira sidii sare loogu qaadi lahaa horumarka Magaalada Baydhabo iyada oo haatan laga dareemayo magaalada kobaca dhismooyinka iyo bilicda Magaalada oo waxyaabo badan laga qabtey sida wadooyinka oo la dayactirayo iyo furis wadooyin Ciriiri ahaa iyo kuwo cusub oo la jeexey.