Duqa Degmada Baydhabo oo Kormeerey Wadooyinka Burbursan ee Magaalada ‘SAWIRO

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Dhinac Amniga iyo Siyaasada Mudan Isaag maxamed cali [teygaab] ayaa waxaa ay maanta soo indha indheeyeen oo ay kormeereen Wadooyinka wadooyinka waaweyn ee magaalada baydhabo ee ay Burburiyeen Roobabkii dhawaanahan ka da,ayey Magaalda iyadoo ay markii horeba uu ka muuqdey burbur xoogan.

Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Baydhabo ayaa Biyo Dhigey Roobabkii da’ayey Todobaadyadii la soo dhaafey waxaana ay sii burburiyeen wadooyinkii markii horeba dayacnaa ee dayactir la,aanta heysatey halka qaarkoodna dayactir lagu sameeyey xilligii maamulkii Shariif Xasan balse lagu dhisey tayo aan wanaagsaneyn.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) ayaa sheegay in Lala Xisaabtami Doono Shirkadihii Dhisay Wadooyinka ay Daadadka Roobka bur buriyeen Gudoomiye Biikole ayaa sheegey Waddooyinkan in lagu dhisey inta ugu badan qarash ay iska soo uruuriyeen Bulshada Magaalada Baydhabo waxaana uu sidoo kale sheegey in aysan markale ogolaan doonin in ay dhacdo tan oo kale.