Duqa Muqdisho Oo Safiirka Mareykanka Kala Hadlay Mashaariic Ku Saabsan Dib U Dhiska Muqdisho

Gudomiyaha gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Dalka Mareykanka u fadhiya Somaaliya Stephen Schwartz.
Labada masuul ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah, Kuwaas oo ay kamid yihiin in mataaneynta Magalooyinka Mareynka Iyo Muqdisho, Sido kale in muqdisho ay hesho meteladeeda siyaasadeed iyo diyaarinta Maqaamkii Caasimada.
Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mundane Yusuf Xuseen Jimcaale iyo Maamulkiisa ayaa lagu amaanay guusha laga gaaray mashruuca ku dhiso dalkaada Hal dollar, taasi oo ah dardaarankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo uu Gudoomiye Madaale bulshada u sii kala dhig dhigay.
Gudoomiye Madaale  ayaa ka dhawaajiyay in Mashruuca ku dhiso dalkaada hal dollar la gaarsiin doono jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool si ay uga qeyb qaataan dib-udhiska magaalada Muqdisho oo ah xaruntii midnamada Soomaaliyeed.
Ugu Dambeyn Gudoomiye Madaale ayaa Safiirka Mareykanka Uga Mahadceliyey Sida Wanaagsan Oo ay dowladda Mareykanka Uga go’antahay in dalka Soomaaliya dib cagihiisa isugu taago, looguna soo celiyo nabad iyo baraare.