Duqeyn Ka Dhacday Degaan Ka Tirsan Gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay aheyd halkaas diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan ka geysteen.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, isla markaana waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday duqeynta goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramay in saqdii dhexe ee xalay malayeen diyaarado joog hoose ku socda, kadibna la maqlay dhawaqa Gantaalo culus oo dhacaya, in kastoo aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay duqeytii ka dhacday deegaanka Ma’moodow Gobolka Bakool oo loo maleynayo inay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa horey sidaan oo kale deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool uga fuliyay duqeymo diyaaradeed, waxaana xusid mudan in degmooyin ka tirsan Gobolkaas ay in muddo ah go’doon ugu jirto dagaalamayaasha Al-shabaab.