Duqeyn lagu Diley Xubin sare oo Alshabaab ah

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow ee Shabeellaha hoose lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan la qaaday iyadoo iskaashi lala samaynayo milatariga Maraykanka.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay inaan dad rayid ah waxba kasoo gaarin duqayntan oo dhacday maanta oo talaada ah.

Maraykanka ayaa sannadkan Soomaaliya ka gaystay ku dhowaad 60 duqaymood kuwaasi oo lala kala beegsaday ururada Al-Shabaab iyo Daacish.