Duufaanno culus ayaa lasheegey inay kusoo wajahan yhiin Soomaaliya iyo wadama kale

Duufaanno culus ayaa la filayaa inay ku dhuftaan Bariga Afrika galinka dambe ee Khamiista iyo Jimcaha, sida ay sheegeen khubarada saadasaha hawada.

Meelaha laga cabsida qabo inay duufaanta caga-dhigato waxaa ka mid ah deegaanno ku yaalla Soomaaliya.

Hay`adda maareynta musiibooyinka Puntalnd ee Hadma ayaa digniin u dirtay dadweeynaha ku nool deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaan deegaannada xeebaha ku dherersan, waxayna u sheegtay inay ka feejignaadaan khatarta duufaan la sheegay inay ku wajahan tahay deegaannadaas.

Khubarada dhanka cimilada ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal dal oo ka tirsan Bariga Afrika ay saamayn ku yeelan doonaan duufaannada.

Ilaa hadda, ugu yaraan 130 qof ayaa ku dhimatay Kenya iyo Uganda.

Dadka ayaa waxa looga digay inay dhulalka hoose ka fogaadan.