EPRDF;Xisbiga haya talada dalka Itoobiya oo maanta shiraya

Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee magaciisa loo soo gaabiyo EPRDF, ayaa lagu wadaa in maanta uu shirweyne uga furmo magaalada Awasa.

Shirweynahan oo labadii sano iyo barkiiba uu xisbigan yeesho ayaa waxaa ka soo qeybgalaya boqolaal xubnood oo xisbigaasi ka tirsan.

Kulankan oo ah midkii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaare Abey Axmed waxaa la filayaa in diiradda lagu saari doono waxyaabo dan u ah dalkaasi.

Kulanka ayaa lagu waddaa in maanta laga soo saaro Go’aamo ku aadan Isbadelka ka socda dalka Itoobiya.