Faahfaahin Askari iyo Haweenay lagu dilay Muqdisho

aahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dabley hubaysan oo Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada NISA iyo Haweenay qaad iibinaysay.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Haweenayda ayaa waxaa ku dhacday rasaastii ay isweydaarsanayeen dableyda iyo askariga, waxaana goobta laga qaaday iyadoo dhaawac ah, ugu dambeyna waa ay geeriyootay.

Wararka waxa ay sheegayaan dableyda inay is rasaaseeyeen askariga, kadibna askariga ay ku dhufteen dhawr xabadood, sidaasina uu ku dhintay.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, waxayna sameeyeen hawlgalo lagu baadigoobaayo dadkii dilkaan ka dambeeyay.