Faahfaahin Dilka loogeystay Gen Yuusuf Cagay

General Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Warshada caanaha ee degmada Hodan.

Dilka Waxaa geystay Sarkaal kale oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la sheegay in uu muran dhex maray Generaalka la dilay.

Ruuxa dilka geystay ayaa isku dhiibay ilaalada xerada Qeybta 12ka Abriil oo u dhaw halka uu falku ka dhacay Sidda uu RAADIYO BAYDHABO u xaqiijiyay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Sarkaalka, waxaana hadda baaritaano ku bilaabay Saraakiisha Ciidanka xoogga iyo Booliska oo gaaray goobta uu falku ka dhacay.