Faahfaahin ku saabsan Shaqaalihii dhismuhu kusoo dumay

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhimatay ka dib markii dhisme ay dhisayeen uu kusoo dumay shaqaale ah kuwa ka shaqeeya dhismaha.

Shilkaan waxaa uu ka dhacay Shaleemadii hore ee Ecuadore oo ku taalla Isgoysks KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 2 qof sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo tagay goobta uu shilku ka dhacay.

Dadkaan ayaa waxaa kusoo dumay Dhisme Shub ah sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha degmada Hodon Maxamed Axmed Cantoobo, waxaana uu sheegay in Hay’adda Gurmadka deg deg ah ay dadkaasi gurmad u fidiyeen.

Qaar ka mid ah Shaqaallihii ka badbaaday Shilka ayaa waxa ay sheegeen in halmar ay kusoo baraarugeen darbiga oo soo dumay, islamarkaana shaqaalihii intii badbaaday ay goobta ka baxsadeen.