Faahfaahin Taliyaha Ciidanka isku dhafka ah ee Gaalkacyo iyo Saraakiil Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay Badankooda oo Askar ka tirsan ciidamada Isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgalaayay Bilihii lasoo dhaafay.

Ruux Isku soo xiray Waxyaaha Qarxa ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada isku dhaf ah sidda ay sheegeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo ahaa taliyihii ciidamada Milatariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ka howlgalaayay iyo C/qani Axmed Geyre oo Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka.