Falcao: Xaqiiqadii Waxaan Doonayaa Inaan Man United Sii Joogo, Waxaan Ku Dhawahay Inaan Taam Noqdo 100%, Laakiin Kursiga Kaydka Kuma Faraxsani

falcao

Xidiga kooxda Manchester United  amaahda kula jooga ee Radamel Falcao ayaa ku adkaystay inuu doonayo sidii uu Old Trafford u sii joogi lahaa xili ciyaareedka danbe inkasta oo ay bilihii ugu horeeyay ee waayihiisa ciyaareed ee Man united dhib wayn ku noqotay.

Falcao ayaa saddex kulan oo kaliya horyaalka ingiriiska ku bilawday taniyo markii uu maalintii ugu danbaysay ee suuqa kala iibsiga Man United ugu soo biiray amaah qaali ah.

Falacao ayay soo gaadheen dhaawacyo soo noqnoqday, laakiin Falcao ayaa hadda taam ah laakiin wuxuu is arkayaa isaga oo kursiga kaydka ugu jira Wayne Rooney, Robin van Persie taas oo aanu ku faraxsanayn. Falcao ayaa arkayaa tababare Van Gaal oo isaga ka doorbidaya da’yarka United James Wilson.

Laakiin Falcao ayaa wali u heelan inuu heshiis rasmi ah ugu biiro Man United marka uu dhaco heshiiska amaahda ah ee uu kooxda kula joogaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Falcao ayaa yidhi: “Aniga iyo tababarahu inbadan ayaanu wada hadalnay, wuxuuna leeyahay hanaan aan ixtiraamayo, dhaawacyo ayaa isoo gaadhay, waana inaan sugaa fursadayda aan ku ciyaarayo, anigu fikrad ahaan waxaan doonayaa inaan kooxda sii joogo”.

“Xaqiiqadii waa inaan daraaseeyaa xaalada, oo aan eegaa haddii aan kulamo badan ciyaaro waxaanan eegi doonaa go’aanka ay boodhku gaadhaan, laakiin xaqiiqadii aniga aragtidayda waxaan doonayaa inaan halkan sii joogo.

Falcao ayaa ilaa hadda Man United u dhaliyay hal gool oo kaliya wuxuuna goolkaas dhaliyay kulankii ay Man United 2:1 kaga adkaatay Everton.Falcao oo Man United soo gaadhay isaga oo jilib dhaawac ka qaba ayuu markii  danbena muruqa dhaawac ka soo gaadhay.

Laakiin Falaco ayaa aaminsan inuu hadda ku soo dhaw yahay inuu boqolkiiba boqol taam yahay wuxuuna yidhi: “Waxaan dareemayaa inay fiican tahay inaan ciyaaraa, jidh ahaan wanaag ayaan dareemayaa, aadna waan ugu faraxsanahay sababtoo ah waqti badan maan ciyaarin laakiin waxaan hubaa inuu waqti badani jiri doono”.

“Hadda diyaar ayaan ahay, markasta oo aan fursada helana waxaan samayn doonaa waxa ugu fiican, ugu dhawaan boqolkiiba boqol taam ayaaan ahay hadda, sidaa daraadeed aan sugno oo aan eegno go’aanka tababaraha iyo marka uu doonayo inuu waqti badan isiiyo.waxaanu nahay dhawr gool dhaliye oo wanaagsan taasina cidkasta way u fiican tahay”.

Macluumaadka Falcao ee Man United :

 

Falaco ayaa Man United ku soo biiray: September 1, 2014

Qiimaha anaagda uu ugu soo biiray: £6m

Mushaarka todobaadkii: £250,000 gini

Inta kulan ee uu ciyaaray: 8

Inta kulan ee uu line upka ku bilawday: 3 kulan

Goolasha uu dhaliyay: 1 gool oo kaliya

Qiimaha goolk kasta ee lacata lagu la soo wareegay: £6m

Qiimaha lacagta goolkasta ee mushaarkiisa: £3.75m

Kharashka Falcao ee Man United oo dhan: £9.75m