Fannaanada Khadiijo Daleys oo geeriyootay

Wararka naga soo gaaraya dalka Canada ayaa waxa ay sheegayaan in Isbitaal ku yaalla halkaasi ay ku geeriyootay Fanaanada Caanka ah Khadiijo Cabdulaahi Daleys.

Khadiijo Cabdulaahi Daleys ayaa Sanadyadii ugu dambeysay ku nool laheyd dalka Canada, waxaana dalka ay ka baxday xilligii Burburka.

Maalmihii ugu dambeyay ayay ku jirtay Isbitaal ku yaalla dalkaasi oo ay ku xanuunsansay
Daleys ayaa ka tirsaneyd hobollada Waaberi Fannaanadan waxaa ka ay ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay ee heesa, Koonfurta Soomaaliya.

Heesaha ay qaaday ee sida wayn loogu xusuusto Fanaanada, waxaa ka mid ah.

Muruqiina maalo

dhulka miro ku beera

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagaay

Fanaaniinta Soomaaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Khadiija Daleys oo haldoorka Fanka Somaliyed ka mid aheyd