Farmaajo iyo Gaas oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey), Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka Federaalka, xuquuqaha Maamulada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Kulanka waxaa kaloo lagu falanqeeyay sidii Maxkamadaha iyo Hay’adaha cadaalada ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somali Airline.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda, wuxuuna ugu baaqay in ay sii wadaan wada shaqeyntaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo) iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa inta ay joogaan caasimadda Puntland waxa ay kualamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.