Farmaajo oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqeybdiid

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah uga hadlay Weerarkii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu kuu amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod in uu baaris deg deg ah ku sameeyo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta Weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay kusoo qaadeen Weerar Abaabulan.

Waxa uu sheegay in mid Kamid ah ilaaladiisa la Jirdilay, Qolalka Gurigiisa la Jajabiyay, Baaris badan laga sameeyay Hoygiisa iyadoon aan wax fasax ah looga heysan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaari dagaal Gurigiisa lagu hor jaray ka dibna, Qoryo lagu qabtay Ilaaladii Gurigiisa