FBI iyo Booliska Kenya oo galay madaraso ku taalla Mombasa

Booliska Kenya iyo ciidammo dalal kale ka socda ayaa galay madaraso ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxayna xireen ku dhowaad 100 ardey.
Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa soo xigtay boolis sheegaya in weerarka uu qeyb ka yahay ladagaallanka wax ay ugu yeereen argagixisada.
Howlgalka oo Talaadadii la fuliyay waxaa qeyb ka ahaa booliska Kenya, ciidamada FBI-da Mareykanka iyo kuwa UK ee loo garanayo Scotland Yard.
Inkastoo booliska Kenya ay ka gaabsadeen in ay arrinta ka hadlaan, hadana hoggaamiyayaasha culimada iyo goob joogayaal ayaa sheegay in afar macallim iyo ku dhowaad 100 ardey ay yihiin kuwa la xiray.
Wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Star ayaa ku warramay in ciidamada ay haysteen warar sir ah oo sheegaya in madarasada “lagu xagjireynayay caruurta”.
Sheekh Xasan Cumar oo ka mid ah mas’uuliyiinta golaha iimaamyada, oo sidoo kale galaangal wayn ku leh Kenya, ayaa sheegay in “been ay tahay” eedaha la xiriiro in Madarasada ay ku sugnaayeen dad ka mid ahaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka, oo ka soo noqday Suuriya.