Feysal Cali Waraabe oo Ku Baaqey in Lajoojiyo Wadahalada Soomaaliya iyo Soomaaliland

faysal cali waraabeApril 28 {Radio Baidoa } Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la joojiyo wada hadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, kaasoo in muddo ah hakad ku jira. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh aanay u soo jeedin wada hadalada, isla markaana ay ku mashquulsan yihiin doorashada ku soo socota. “Dowladda Xasan Sheekh waa dowladdii baabi’isay wada hadaladii si fiican u sameysmay, hadana waxay ku jiraan waqti olole ah, doorasho ku soo dhow, marka ma ahan in nala isticmaalo, oo nagala dhigto olole, inta dowladdan meesha ka baxeysa waa in wada hadalada la joojiyaa”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Waxaa uu sheegay in dowladda Xasan Sheekh aanay daacad ka aheyn wada hadalada, isla markaana qaab iyo wado wada hadal loo wadi karo aanay iminka u muuqan sida uu yiri. Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ee garwadeenka ka aheyd dowladda Turkiga ayaa wali hakad ku jira, tan iyo markii sanadkii la soo dhaafay uu is mari-waa ku dhamaaday, markii Somaliland ay diiday inay la fariisato xubno deegaanadeeda ka soo jeeda oo ka mid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya u matalayay wada hadaladii Istanbul.