Francisco Madeira iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Beledweyne

Magaalada Beledweyne waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu horkacayo Wakiilka gaar ah ee Midowga Africa Francisco Madeira iyo wafdi uu horkacayo.

Wafdiga Midowga Africa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin maamulka heer gobol.
Socdaalka xubnahan uu hoggaaminayo Ambassador Francisco Madeira ayaa la xiriira Arimaha Amniga iyo u kuur-galida saameynta ka dhalatay Fatahaadaha Wabiga Shabelle ee Baladweyn.

Howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa saldhig weyn ku leh magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraanm waxaana ku sugan ciidamo ka kala socda dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo ka mid ah wada ciidanka ugu deeqay Midowga Africa si ay uga qayb qaataan howlgalada ka dhanka ah Al- shabaab ee Soomaaliya