Furashada xisbiyada siyaasada oo ka bilaabatay Puntland

Maalmo kadib markii guddiga doorashooyinka Puntland uu shaaciyay in la furan karo ururo siyaasadeed, ayaa maanta markii ugu horeysay waxaan isdiiwaan galiyay urur siyaasadeed lagu magacaabo Hoggaanshe.

Hoggaanshe waa urur siyaasadeed, waxaana aas aasay oo guddoomiye ka ah Axmed Sheikh Maxamed Tallmaan oo horey uga tirsanaan jiray bahda saxaafada Puntland.

Furashada ururada siyaasada waa bilowga nidaamka xisbiyada badan ee ay Puntland ku taamayso, inkastoo tobandkii sano ee ugu dambeeyay labo jeer lagu fashilmay nidaamkaan.

Madaxweyne Deni ayaa haatan lagu ammaanay inuu baraamijkaan waqti hore daaha ka rogay, iyadoo madaxdii ka horeysay ay ka gaabiyeen xilligii loogu talo galay, taasoo horseeday fashil iyo niyad jab.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland waxay qorshaysteen in sanadka soo socda ay Puntland ka dhacaaan doorashooyinkii ugu horeeyay ee lagu galayo nidaamka xisbiyada badan.

Hadaba, sidaas loo gaaro, ayaa laga maarmaan ah in ay sameysmaan xisbiyo ku tartamaya doorashooyinka ugu horeeya ee golayaasha deegaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay inuu furandoono xisbigiisa, isagoo horey u sheegay in uusan cabsi ka qabin nidaamka axsaabta badan, xitaa haddii uu ku weynayo xukunkiisa.