Gaafow oo Shegay In Dhalinyaro Qaxooti Ah ay Dowlada Denmark soo celisey.

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya  C/llaahi Maxamuud Gaafoow oo la hadlay BBC ayaa been abuur ku tilmaamay Warar sheegaya in Dhalinyaro Soomaaliyeed oo si Xoog ah looga soo celiyay Wadanka Denmark islamarkaana laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho in ay Dowladda Federaalka wax ka og tahay Arrinkaasi.

C/llaahi Maxamuud Gaafoow ayaa Xusay in Dowladda Federaalka aysan Denmark la galin Heshiis lagu soo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadan keeda oo laga been sheegay.

“Waa jiraan in Dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 4 Ruux laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho hadda Dowaladda waxaa ay Dadkaasi la hadashiisay Safaarada Denmark si wax looga qabto Arrintaan “ayuu yiri.

Gaafoow ayaa intaa ku daray in Golaha wasiirada Soomaaliya ay u gudbiyeen Arrinta ah Qaxootiga laga soo celiyay Denmark oo ay Jawaab ka sugayaan Xukumadda.

Dhalinyaradaan la soo celiyay oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in Garoonka Muqdisho  si qasab ah looga soo dajiyay markii ay diideen in ay Diyaarada ka dagaana Ciidamada Dowladda ay Xoog ku soo dajiyeen.