Gaari Ciidan oo Muqdisho ku Jiirey Affar Dhalinyro ah

Caawa fiidkii ayaa Gaari nooca dagaalka ee loo yaqaano Cabdi Bilaha oo ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa uu agagaarka Ex-Koontorool Afgooye uu ku jiiray Mootada looyaqaano Fekon oo halkaasi marayay.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku geeriyooday Afar dhalinyaro ah oo soo saarneed Mooto Fekon-ka waxaana gabi ahaanba burburay Mootadii ay saarnayeen Dhalinyarada

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Mootada ay maraysey meel dhowr tallaabo u jirta Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye uu ku yimid Gaariga Cabdi Bilaha ah,isla markaana uu dardaray,sidaasina ay ku geeriyoodeen Afarta Dhalinyarada ah.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ka sokoow Geerida Afarta Dhalinyarada ah ay gebi ahaanba burburtey Mootadaasi .

Saraakiil Ciidan ayaa Idaacadda Radio Baydhabo ee Magaalada Baydhabo waxaa ay u sheegeen in Askarigii darawalka ka ahaa Gaariga Cabdi Bilaha ah gacanta lagu haayo xabsigana la dhigay.

Si kastaba dilkan loo geystay Afarta DHallinyarada ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Maanta barqadii askari katirsan Ciidamada Dowladda uu darawal Bajaajle ahaa uu ku dilay Ex-Koontorool Afgooye.