Gaari Miineysan oo ku qarxay duleedka Muqdisho, xilli baaritaan lagu hayay

Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta barqadii joojiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo doonayay inuu soo galo magaalada Muqdisho

Gaarigan oo ahaa kuwa raaxada ayaa lagu joojiyay bar koontarool oo ku taala duleedka Muqdisho, gaar ahaan Siinka Dheer.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu qarxay, iyadoo lagu guda jiray baaritaan ay ku sameynayeen ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Nabadsugida ayaa warbaahinta u sheegay in hal askari uu ku dhintay iyo qofkii wadayay gaariga, askari kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa todobaadyadii u dambeeyay adkeeyay ammaanka, iyadoo ciidamo la dhigay waddooyinka laga soo galo magaalada, halkaasoo dadka iyo gaadiidka lagu baaro.