Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Xarunta degmada Hodan

Qarax ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dadka degaanka ah.

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaan lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, balse xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa shaqooyinkii maalinlaha ahaa waxa ay ka socdeen Xarunta Degmada.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay Risaala u sheegeen.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.