Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Xarunta degmada Howlwadaag

Guud ahaan xarunta degmada Howlwadaag ayaa burburtay ka dib Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku dhex qarxay xarunta degmada Howlwadaag.

Nooca gaariga qarxay ayaa lagu sheegay PRADO.

Dad ka badan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Waali waxaa socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeellado soo gaartay, Maadaama qaraxu uu ahaa Mid xooggan.

Xarunta degmada xilliga Qaraxa lala eegtay, waxaa ka socday Shaqooyinka maalinlaha ah ee bulshadda kunool degmada loo qabto.

Qaraxa ayaa sidoo kale burburiyay guryo ka agdhawaa goobta, waxaana ka dhashay sidoo kale Khasaare dhaawac u badan.