Gaas oo magacaabay Taliyeyaal Ciidan

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire (Dool) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.
Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.