Gacan kudhiigle baxsad ahaa oo Gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin dhawaan xaaskiisa ku dilay degmada Warta nabada ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq doodishu ayaa sheegay in ninkaan maalmihii lasoo dhaafay lagu daba jiray ugu dambeyntiina gacanta lagu dhigay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021”ayuu yiri Saadiiq Aadan Cali

Waxaa uu intaasi kusii daray “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo”