Gadiidka AMISOM oo Gaari ku jiiray Magaalada Muqdisho

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Nabad Ilaalada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Gaari kale oo nuuca raaxada ah waxey ku jiireen Magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa waxuu ka dhacay Waddada Taleex ee Degmada Hodan, iyadoona Darawalkii waday gaariga la jiiray uu ku jiray Ciidamada AMISOM, halkaasina ay gaareen Ciidamada howlgalka Xasilinta Caasimada.

Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ee Degmada Hodan, Salaad Abuukar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in gacanta lagu hayo Kolonyo AMISOM.

Waxuu sheegay in Saraakiisha AMISOM ay ogolyihiin in magdhow ay ka bixiyeen khasaaraha burburka leh ay u geysteen gaarigaasi nuuca raaxada ah.

Majiro wax khasaaro nafeed oo ka dhashay Shilkan ka dhacay Waddada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.