Galmudug Oo Ka Hadashay Qarax Maanta Lala Eegtay Ciidanka Dowladda

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga dalka, xili ay marayeen deegaanka sinna-dhaqo.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii saarneyd gaariga, waxaana goobta ku geeriyooday laba Askari, halka 8 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, uuna burburay gaarigaas.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Axmed Shire Falagle ayaa tilmaamay in Ciidanka dowladda ay weli ku sugan yihiin deegaanadii dhawaan ay Al-shabaab kala wareegeen, kuwaasi oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku warramay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo jugtiisa ay siweyn u maqleen, waxaana halkaas gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda, isla markaana qaaday Meydadka iyo dhaawacyada.

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana xusid mudan in Shabaab iyo Ciidanka uu dhexmaray dagaalo geystay khasaaro kala duwan.