Galmudug oo sirasmi ah u faah faahisay dagaaladii ka dhacay Gobolka Mudug

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ay qasaaro xoogan u geysteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaanka Bacaadweyne iyo deegaananda kale ee ay ciidamada la wareegeen.

Mudane Axmed Shire oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xalay ay si nabadgelyo ah ku joogeen ciidamada deegaannadii ay kala wareegeen Al-Shabaab, isagoo shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan ciidamada.

“Howlgalka waxa uu ahaa mid qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana ay ka bilaabeen deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale oo ku xeeran, halkaasi oo ay ciidamada si rasmi ah ula wareegeen oo cagta mariyay Al-Shabaabkii halkaasi ku sugnaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegay in Al-Shabaab ay soo qaadeen dagaal rogaan celis ah, isagoo xusay in Al-Shabaab aysan u babac dhigi karin awoodda ciidamada ku sugan Bacaadweyne iyo deegaannada kale ee ku xeeran goobihii saaka laga fara maroojiyay Al-Shabaab.