Ganacsatadda Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan yeelanaya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib Safar Shaqo oo uu ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay yeelan doonaan xiriir ganacsi oo ballaaran.

Waxaa uu sheegay in dhawaan ay yeelan doonaan kulan ganacsatadda dowladda Turkiga iyo sidoo kale Ganacsatadda Soomaaliyeed, kasoo ku aadan horumarinta Ganacsiga labada dal.

Mudane Mahdi ayaa sheegay in Shirkaasi ay Soomaaliya kusoo bandhigi doonto waxyaabaha ay dibadda u dhoofinkarto
Dhawaan ayay aheyd Markii Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gaareen dalka Turkiga si ay heshiis Ganacsi ula soo saxiixdaan dowladda Turkiga