Geelle oo qaabilay Wasiiro gaaray dalka Jabuuti

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa magaalada Jabuuti gelinkii dambe ee maanta waxa uu ku qaabilay wasiirada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii maanta booqasho gaar ah ay ku tageen dalkaasi.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay danaha wadajirka ah ee u dhaxeeya Afarta dal iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika, iyada oo la isla qaatay soo afjarida colaadaha iyo nabad ku soo dabaalidda dalalka Geeska Afrika

Kulanka kadib ayaa war-murtiyeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Jabuuti waxaa lagu sheegay in booqashadan muhiimka ah ay tahay dadaal ay galeen wadamada deriska ah, laguna xoojinayo nabadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa masuuliyiintan ku qaabilay madaxtooyada, waxayna ka wada hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa wadamada Geeska Afrika.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u ololleyneysa wada xaajoodka nabadeed ee Jabuuti iyo Eritrea, maadaama Soomaaliya ay muujisay in ay dib u soo celisay maqaamkii ay caalamka ku lahayd.