Gen. Siciid Dheere oo baaq u diray Ganacsatadda gobolka Mudug

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi “Siciid dheere” oo maalmii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Haweenka iyo sidoo kale Ganacsatadda Puntland iyo Galmudug ay qeyb ka yihiin dagaallada Sookeeye ee ka dhaca gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tilaabooyin deg deg ah oo arintaasi wax looga qabaanaayo, isagoona sheegay in ay tahay Sharci daro in la taageero Maleeshiyaadka dagaallama.
Gen. Siciid Dheere ayaa ugu baaqay Ganacsatadu in ay ka Waantoobaan Hantidooda ay ku bixinayaan Colaada iyo Daadinta Dhiiga Islaamka, waxaana uu sheegay in uusan meelna uga baxsaneyn qofkii dad islaam ah isku siiya waxa ay isku dilayaan.
Saciid Dheere ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka labada Dhinac, Culumo ow-diinka iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug ee gobolka Mudug in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa Nabadda, loogana hortagi lahaa cidii Taageero iyo dhiiri gelin ku bixinaysa sii hurinta Colaada Gobolka.