Golaha adeegga Garsoorka oo la dhisayo

Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in la dhisi doono golaha adeegga Garsoorka oo aanan shaqeyn tan iyo wixii ka dambeeyay markii la kala diray sanadkii 2015.

Waxaa uu sheegay in shaqooyinka adeegga  Garsoorka dalka ay muhiim u yihiin , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo helaa Golaha adeeggga Garsoorka.

Qorshaha dib u habeynta garsoorka ayuu sheegay inay qeyb ka tahay in la sameeyo golaha adeegga garsoorka, oo garsoorayaal Tayo leh kasoo muuqan doonaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda sare ee dalka ay u sii shaqeyn doonto sidii maxkamadda Dastuuriga, haddii ay dhacdo in la isku qabto qodobo dastuurka kamid ah, inta laga dhisayo maxkamadaasi.

Bishii Maarso ee sanadkii 2015 ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kala diray guddigii golaha adeegga garsoorka, waxaana xilligaas qaadacay kala diristaas Golaha adeegga Garsoorka.