(Sawirro)Golaha Wasiirada oo gaaray Garowe

Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa galabta gaaray Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa waxa ay Hal diyaarad ka raaceen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo si toos ah uga degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka Golaha Wasiirada ay u tageen magaalada Garowe ayaa waxa ay tahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shirka Golaha Wasiirada oo magaaladaasi lagu qabanayo maalinta berri ah.

Shirkan ayaa waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmo kahor gaaray magaalada Garowe.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka sida ammaanka iyo horumarada dalka.