Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo la ansixiyay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Hirshabeelle ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda.

Golaha Wasiiradda Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa Muran badan oo ku saabsan ansixintooda.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa soo xaadiray 79 Mudane.

Waxaa Ansixiyay Golaha Wasiiradda Hirshabeelle 77 Mudane, waxaana diiday labo.

Golaha wasiirada ee Hirshabeelle ayaa ka kooban 20 Wasiir 20 Wasiir ku xigeyn iyo 17 Wasiiru Dowle kuwaas oo la sheegay in Madaxweynaha ugu tala galay in ay wax ka qabtaan Xaaladda Hirshabeelle.